Imaam Axmad Ibraahim oo loo yaqaan Axmad Gureey wuxuu ahaa Imaam Suufi ah oo ka mid ah culamada Ahlu sunna Wal-jamaaca ee Soomaaliyeed,Imaam Axmad Gurey waxaa kitaabbadii Imaamnimadiisii diinta iyo karaamaatkiisii wax ka qoray ka mid ahaa kitaabka Alnuuru-saafir can akhbaaril qarnil caashir oo uu qoray Al-Imaam Shamsu-shumuuus Muxyaddiin Cabdulqaadir ibnu Sheekh Cabdillaahi Al-caydaruusi. Kitaabkani wuxuu ka mid yahay kutubta ugu muhiimsan ee wax ka qortay dhacdooyinka qarnigii 10-aad ee Hijriyada.
Kitaabku markuu ka faalloonayey Imaam Axmad Gurey wuxuu ku soo qaatay bogga 198, dhacdadii sanaddii 934-dii Hijriyada. Wuxuu sheegay in Imaam Axmad ka mid yahay Awlaaddii Sheekh Sacdu-diin, magaciisa iyo guulihiisuna ay soo weynaanayeen ilaa uu gaarey heer aan laga sheekayn Karin. Wuxuu furtay Imaam Axmed ayuu yiri Kitaabku magaalooyin badan oo ka mid ah magaalooyinka Xabashida, gaaladiina wuu ka adkaaday. Wuxuu joogteeyey jihaadkii iyo duullimaadkii lagu kor yeelayey Ilaahay (SW) diintiisa.
Waxaa laga soo weriyey jihaadyadiisa ayuu yiri Imaamku wax caqliga ka fajaciya.
Qaar ka mid ah culammadii iyo taariikhyahannadii waqtigaas waxay yiraahdeen, ma jiraan futuuxaad ama furashooyin u ekaa oo la mid ahaa futuuxaadkii Imaam Axmed Gurey oo aan ka ahayn futuuxaadkii Asaxaabta. Sidoo kale, waxaa la weriyey ayuu yiri “in geesinnimadii Imaam Axmad Gurey ahayd mid caqliga ka weyn”. Dhammaan jihaadkiisa, akhlaaqdiisa iyo maamulkiisu waxay ku dhisnaayeen Shariicada Islaamka. Wuxuu Qaniimooyinka jihaadka laga helo khumuskeeda siin jirey qaraabada Rasuulka (CSWS).
Qaar Saalixiinta ka mid ah waxay iyana arkeen ayuu yiri, qudbigii waynaa ee weliga Ilaahay ahaa Al-qudbul- Caydaruus oo dhahaya: “ha ku magacaabinina suldaan ee ku magacaaba imaamkii muslimiinta”. Imaamka qoray kitaabkan Al-nuuru-saafir ee aanu halkaan ku soo xiganayno wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey:“isku soo duube, Imaam Axmad Gureey Allaha ka raalli noqdee, wuxuu ka mid yahay aayaatka Ilaahay”. Macnaha wuxuu ka mid yahay cajaa’ibta uu Rabbi (SW) ka muujiyey addoomankiisa xagga geesinnimada, karaamada, hoggaaminta, diin ku dhaqanka, samafalka iyo inta badan qaybaha wanaagga ee guud ahaan dhaqanka.
Sheekh Shahaabu-diin Ibnu Cabdil-qaadir kitaabkiisa Al-Futuuxul-Xabasha boggiisa 4-aad markuu Imaam Axmad Gurey ka faalloonayey waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:- Imaam Axmad Gureey waa mid ka mid ah Imaamyaalka dadka diinka ku hanuuniya, waana Amiirkii Muminiinta. Skiikh Shahaabu-diin wuxuu kaloo kitaabkiisa Fatuuxul Xabasha ku xusay in Imaamka uu ku magacaabay Al-caarif Billaah, Waliyu-llaah Shamsu-diin Cali ibnu Cumar al-Shaadali uu ku dheeraaday karaamaatka Imaam Axmed Gurey.
Sidoo kale, Skiikh Shahaabu-diin isla kitaabkiisa Futuuxul Xabasha wuxuu ku xusay in Imaamkii uu ku magacaabay Waliyullaahi Tacaalaa Wabnu Waliyihi Muxammad ibnu Axmad ibnu Muxammad ibnu Cabdul-waaxid ibnu Yuusuf Ibnu Yacquub al-Qurashi Al-Tuunusi al-Magribi uu yiri“ Imaam Axmad Gurey waa Seef ka mid ah Ilaahay seefihiisa, oo Ilaahay u istaajiyey inuu u gargaaro diinkiisa, gaaladana qahro.”
Sheekh Shahaabu-diin wuxuu isla kitaabkiisan Futuuxul-Xabasha bogga 14aad ku sheegay in sheekh Muxamammad bin Muxammad Al-Dahmaani uu yiri: “anigoo hurdaya ayaan habeen waxaan arkay laba nin oo ka mid ah Ilaahay Awliyadiisa. Mid wuxuu ahaa Sheekh Axmad ibnu Sheekh Muxammad ibnu Sheekh Cabdulwaaxid; kan labaadna wuxuu ahaa sheekhii waynaa ee caarifka Ilaahay ahaa Al-sayid Shariif Abuubakar Ibnu Shaykhil Kabiir Al-Shahiir Cabdullaahi Caydaruus. Labadaas weli waxay yiraahdeen ha ku magacaabinina Suldaan ee ku magacaaba (Axmed Gurey) Imaamul- Muslimiin”.
Sheekh Shahaabu-diin wuxuu kitaabkiisan Futuuxul-Xabasha ku qoray karaamaad badan oo Ilaahay ku karaameeyey weligiisa Imaam Axmad Gurey. Waxaa ka mid ahaa karaamaadkiisii uu xusay:- Shinnida oo dushiisa iyo hareerihiisa soconaysay sidii iyada oo waardiyeynaysa isla markaana aan wax yeellaynayn dadka la socda.
Waxaa ka mid ahaa karaamaatkii Cali ibnu saalax Al-jayli iyo Axmad ibnu Daahir ay ka weriyeen Sacad ibnu Yuusuf oo yiri: habeen habeennada ka mid ah anigoo hurdaya waxaan arkay Nabiga (CSWS) oo uu dhinaca midig ka joogo Abuubakar Al-saddiiq, dhinaca bidixna uu ka joogo Cumar ibnu khaddaab, hortiisana uu taagan yahay Cali ibnu Abii Daalib oo uu hortiisa ka soo jeedo Imaam Axmad ibnu Ibraahim; markaas ayaan iri Rasuulkii ilaaheeyow waa ayo ninka Cali ibnu Abii Daalib hortiisa taagan? Markaas ayuu Rasuulka (CSWS) yiri waa nin uu Ilaahay ku hagaajinayo magaalooyinka Xabasha.?
Imaam Axmad (Gurey) waqtigaas wuxuu ahaa nin ka mid ah ciidanka Muslimiinta. Ninka ru’yada arkay ma aanu aqoon Axmad Gurey. Si loo ogaado oo loo arko ninka ruyada lagu arkay ayaa marba mid la tusayey nimankii madaxda ahaa, iyadoo lagu oranayey kan miyaa qofkii aad ru’yada ku aragtay? isaguna ku jawaabayey maya, ilaa uu waqti danbe ka arkay Imaam Axmad Gureey markaas ayuu dadkii magaalada ku yiri “waakan ninkii aan ru’yada ku arkay oo uu Rasuulku (CSWS) ii sheegay inuu islaaxinayo magaalooyinka Xabasha.
Sheekh Shahaabu-diin wuxuu yiri ru’yadiisu run ayay noqotay, Imaam Axmad Gurayna wuu hantay magaalooyinkii Xabasha oo dhan wuuna hagaajiyey. Waxaa iyana jirta in kitaabka la yiraahdo Al-nuuru-saafir uu isna qorayo karaamadaas kor ku xusan.
Axmed Guray jihaadyadiisii ugu muhiimsanaa waxuu gaaladii gumaysatada ahayd ee Xabashida ku qaaday 1529-kii oo uu ku qabsaday meesha layiraado Shembere. Dagaalladiisa kuwii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Jihaadyadii uu ku qabsaday Darwo, Shawa , Amhara, Ifa iyo guud ahaan magaalooyinkii gobolada dhexe ee halbowlaha u ahaa boqortooyadii Xabashada.
Intaa kadib, Imaam Axmad Gureey waxuu isla markiiba cagta mariyey magaaladii hooyada u ahayd Kaniisadaha ee Aksom (Axum). Waxay guulahaasi isdaba joog ahaayeen ilaa iyo intii ciidanka Imaamku ka gudbaan harada Taana oo ay ka gaaraan xadka dalka Suudaan; boqorkii Xabashiduna uu noqdo mid ku dhuumaalaysta Buuraha aaggaas.
Arintaasi waxay Kirishtadii reer Yurub ku qasabtay inay u soo hiilliyaan boqortooyadii Xabashida. Waxaa gurmadkii ugu horreeyey u fidiyay Boortaqiiska oo markaas ugu xoog roonaa dowladaha reer yurub. Ka dib, Boortaqiiska iyo Xabashida weerar wada jir ah ayey ku soo qaadeen Imaam Axmed Guray iyo ciidankiisii. Waxaa halkaas lagu laayey inta badan ciidankii boortaqiiska oo uu ku jiray hogaamiyihii ciidanka boortaqiiska Vosca Gagamma oo uu dhalay Kiristoofar Dagaama, badmareenkii gumaystada ee caanka ahaa. Imaam Axmed Guray Allaha ka raali noqdee dhaawac waqtigaas gaaray sababtii ayuu u dhintay sanadii 1543-dii
Halgankii Iimaam Axmed Gurey 1532-1552
Axmed Gurey waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka ugu taariikh dheer Soomaalida. Meelo badan oo la iskugu yimid u kuurgalka iyo xaqiijinta taarikhda qusaysa Axmed Gurey ayaa waxaan suurto gal noqonwayday in dadka ay isku raaceen sanadadiisii halganka iyo hayb ahaan qolada uu ka soo jeedo Iimaan Axmed Gurey. Ha ahaatee nin geyiga Soomaaliyeed wacdaro ka dhigay inuu yahay ayaa cad. Xabashi ama Cabasiiniya huf inuu ka dhigay iyadane aad ayaa loo xusaa.
Qarnigii 16aad halgankiisii wuxuu Iimaam Axmed Gurey hogaaminayay dad badan oo magaca guud Muslim ka wadaago balse u badnaa Soomaali. Mudadii u dhexaysay 1532-1552 taariikhda Miilaadiga wuxuu dagaal ay cawaan Xabashi ka sheekayso 400 oo sano ka dib, ayaa wuxuu jab ku dhigay cadowgiisa si walba oo ay iskugu habar wacatay.
Boortaqiiskaa ka qabtey Axmed Gurey wuxuu ku dhigayay Boqortooyada Xabashida; Cusmaaniyiinta Turki oo ka seexday goobtooda maa hee, maanta arinta si kale ayay ahaan laheyd Geeska Qaarada Afrika.
Inkasta oo taariikhaha ku saabsan Soomaaliya ay yihiin kuwa qoristooda iyo aruurintooda ay bilaabatay waqti aad u dhow, gaar ahaan taariikhyahanda Soomaaliyeed iyo wixii ay awoodeen inay aruuriyaan, hadana waxaa qoran taariikh daalin karta qof indhihii siduu u akhrinayo. Waa dhacdo caadi ah in muwaadin aan Soomaali ahayn wuxuu taariikh ahaan ka qoro Soomaaliya in la beeniyo, maxaa yeelay arigtida ayaa laba kala ah.
Hogaamiyaashii Boqortooyada Xabashida ay ciidamadii Muslimka ee Axmed Gurey uu hogaaaminayay waxay dileen rubicii labaad ee qarnigii 16aad afar is dhashey oo Boqortooyada Cabasiinaya ka mid ahaa. Xaalufintaas waxaa geystay ciidan gaaraya ilaa 100,000 nin oo uu watey Iimaam Axmed Gurey. Waxay gaareen ilaa dhulka maanta loo yaqan Tigrnaya ee waqooyiga Itoobiya.
Tiigsiga dhacdooyinkaas waxaa ka dhashey fikradihii Sayid Maxmamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishta iyo Dhalinyarada Xoreynta Soomaaliyeed (SYL), casrigana wuxuu ahaa mid Afrika, Aasiya iyo dunida kalaba laysku dhiibay gumayste.
Xabshida waxay u taqaan Imaam Axmed Gurey (Grang) oo macnaheedu yahay “Gurey.” Xabada qoriga oo aysan boqortooyada Cabasiiniaya aqoon ayuu Imaam Axmed Gurey la soo galey dhulkii ay Xabashi ku maquujinaysay Ummada Muslimka ee markaas ay xooga ku haysatey. Maanta 400 oo sano ka dib waxaa ayaan daro ah in ay Xabashi (Itoobiyan) ay dhulkaas iyo dadkaas weli haysato.
Ummad walba waxay jeceshahay in ay iyada taariikhdeeda qorto. Sidaa darteed, Ahmed Gurey iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan waxaa laysku raacsanyahay in dadka Soomaalida meel walba ha joogaane, ay halyeynimadooda iyo halgankooda lala dhacsanayahay.
Xaqiiq ahaan, wadan walba wuxuu soo bandhigaa wixii la saxan. Gumaysigii Yurub iyo adoonsigii Ameerika midna ma qorin fal xumaan ah oo ay sameeyeen. Taariikhdooda waxay ku xusaan oo kaliya wixii horumar ah oo naftooda u sameeyeen taas oo ay ugu yeeraan wanaaga iyo hourmarka ay gaarsiiyeen dadka aan cadaanka aheyn sida dadka madoow ee Ameerika iyo Calibeesteenka.
Qariiradii ay Yurub 1880yadii Afrika u sawirteyna ilaa maanta ayaa lagu dagaalsanyahay. Tusaale ahaan Ameerika waxaa lagu eedeeyaa in cadaankii tagey 1670s aysan u aabayeelin dadkii reer guriga ahaa ee loo yaqaan (Hindida Ameerkia) ama Dhaladka (Native Indians)
Waxaa la sheegaa inkasta oo aadan buugta taariikhda si sahal ah aadan uga heleyn, in xayawaankii dhulkaas ku noolaa markay cadaanka yimaadeen iyo dadkaas “Dhaladka” ah in maalin walba oo dhalata la ugaarsan jirey. Sanad walba laga soo bilaabo mudadaas kor ku xusan in la dili jirey tiro ka badan milyan. Dhacdooyinkii foosha xumaa ee ay Yurub u gaysatay Afrika, Aasiya iyo Carabaha, gaar ahaan dhulalka Muslimka, waa wax xumaantooda aadan qiyaasi karin. Geeska Afrika, wadanka Suudaan ayuu Ingiriis si aad u liidata ula dhaqmay.
Taariikhdeena marka, dhan walba marka laga eego, Axmed Gurey dhulkii uu joogay ayaa Soomaali dad la xuso ka dhigey. Wixii uu sameeyay xumaan ama wanaag, labadaba waa la dhihi karaa nin Soomaali ah ayaa 400 oo sano waxaas iyo waxaas u geystay boqortooyadii Xabashi. Sidaa darteedna aysan Xabashi (Itoobiya) ay u aragto Soomaali cadowga koowaad ee ay dunida ku leedahay taariikhda Imaam Axmed Gurey iyadana xusid u mudantahay
No comments:
Post a Comment