Dowrka culimada suufiyada ee halganka somaliya
Dowrka culimada suufiyada ee halganka somaliya
Qeybtii Labaad
Hassan Albisri
Waa xalqadii labaad ee mowduucii lamagc baxay dowrka culimada suufiyada ee somaliya …………
Sababta aan u doortay xalqada mowduucan ayaa ah in aan rabo in aan siiyo jawaab waadix ah qolooyinka wada dacaayadaha wahaabiyada ee rakhiista ah iyo wahaabiyada qodhooda oo aan taariikhda somaliya waxba kala socon ,waayo waxa ey baahinayaa ayaan kufadhin xaqaqiiq jirta oo wax raad ah ku laheen taariikhda ,tasina waa hadaladoodii aan loo meeldayin markii ey yiraahdeen culimada suufiyada waxa ey kaliya wadaan waa faafinta dariiqada ee wax dowr ah kuma lahan halganka somaliya .taas ayaan rabaa in aan ka jawaabo oo si muujas ah oo faafaahin dheer ah aan laheen waayo waa wax iskacad…
Marka hore culimada suufiyada waxa ey ahaayeen sida iska cad culimadii xifdisay diinta islaamka kadib markii ay diintu soo gashay dalka gees afrikada bari loo yaqaano intii aysan soo galin meelo kamid ah arlooyinka carbeed ,waxen culimada suufiyada ku xifdiyeen hab falsafad iyo xikmad ey ku fadhiso iyo thaqaafad xeeldheer iyo faham wanagsan ee diinta uleeyihiin (…..markale ayaan rabaa in aan ka hadlo falsafadahii ey u’isticmaaleen culimada suufiyada sidii diinta loogu xoojin lahaa Somalia ) .. waxaa kuu muuqaneysa in ey dadaalo badan ku bixiyeen sidii diinta looxifdinlahaa waxaana taas u daliil ah Mapka somaliya ay ku qorantahay in umadda somaliya ey tahay umad 100% muslim ah iyo in dalka soomaaliya uu ka mideesanyahay dhinacyo badan sida in shacabku uu heysto hal mad-hab oo ah kan sheikh shaafici.iyo in uu dalku uu leeyahay hal qiro oo camro ah ( usluubta loo aqriyo qor’anka ) iyo dariiqooyinka sida darriiqada Qaadiryada iyo Axmedayada iyo hal caqiido oo ah tan ashcariyada ….marka aad baarto dalal badan oo islaam ah ayaa waxaa kudhex nool qolooyin kale sida shiicada iyo yuhuuda iyo wixii lamid ah ,waxaana dhaceysa sida dalka lubnaan oo kale in ey sadax u galqeebsamaan sida shiica oo meel ah iyo sunni oo meel ah iyo masiixi oo meel ah ,taas oo xukunka iyo siyaasadda u badaleysa in aan lahishiinkarin oo midnimada ay halikujireyso ,,waxeena culimada suufiyada isticmaalijireen uslubkasta oo ey kudifaaci karaan diinta ,waayo waxa markasta diinta soo weerara waa cadow raba in uu kasuuliyo dhulka somaliya ,waxaana culimadii arrinkaas kudhaqaaqday kamid ahaa sheikh sayid cabdulle xasan ,waxaan u sooqaadanayaa sheekhaan * in uu ahaa nin somalida iyo gumeestuhuba ey yaqaaneen sharafna usoohooyey dalka iyo dintaba ,laakiin waxaa jira culimo badan sida sheikh xasan barsane iyo sheikh qasim albaraawi iyo sheikh saqaawe diin oo ahaa in sheikh uweys iyo boqolaalo kale oo runtii dowr muhiin ah kaciyaaray difaaca dalka iyo diinta.. kuna guuleestay in ey dalka iyo diinta kaxureeyaan gumeystihii sooweeraray.. taasoo cid gac kusiiyay eesan jirin , balse ey go’aansadeen in ey difaacaan diinta iyo dalkaba mana jirin wax dalal kale ah habayaraatee oo ajnabi ah oo kacaawiyay sidii ey udifaaci lahaayeen diinta ,waxaan kaloo jirin cid siisay dacmi maaliyadeed iyo mid milatariba toona mid dhiiragalin ahba intaba ,waxaana kaloo xusid mudan in hubkii ey heesteen uu ahaa mid ka quwad yar kan uu heestay gumeesuhu waxaana dhacday xitaa in lagu duqeeyo diyaarado eyna sidaas kunoqotay somaliya dalkii ugu horeyay oo lagu duqeeyao diyaarado ,balse guushii ey raacday ilahey idinkiis culimadii suufiyada dalkana uu sidaas kuxuroobay.. xaqiiqdaas ayay manta rabaan wahabaiyo in ey aasaan oo ey taariikhda dafiraan ,kuna andacoodaan in ey jihaadka iyo difaaca dalka ey wahaabiyo kaliya waddo …
No comments:
Post a Comment